Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ballan qaaday inuu sameyn doono wax kasta oo uu awoodo si Suuriya ay u guuleysato ka dib wadahadallo muhiim ah oo uu la yeeshay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, oo ahaa taliyihii hore ee kooxda Al-Qaacida.
Booqashada al-Sharaa ee caasimada Mareykanka ayaa waxaa ay u dambeysay sanad cajiib ah oo uu qaatay hoggaamiyahan cusub oo xilka ka xayuubiyay hoggaamiyihii muddada dheer kaligii taliska ahaa ee Suuriya Bashar al-Assad isagoo tan iyo markaas u safray adduunka si uu u soo afjaro go’doomintii caalamiga ah ee lagu hayo dalkiisa.




