Trump oo ballaariyay xayiraadda safarka Mareykanka si loogu daro Suuriya iyo Falastiin

0
38

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shan waddan ku daray liiska dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, oo ay ku jiraan Falastiin iyo Suuriya.
Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku dhawaaqay ballaarinta xayiraadda, iyagoo sii xoojinayo cadaadiska lagu hayo socdaalka.
Amarka Talaadada ayaa lagu soo rogay xayiraad safar lix waddan oo cusub oo kala ah Falastiin, Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya kuwaas oo lagu darey 12-ka waddan ee markii hore la shaaciyay bishii Juun ee sanadkan.
Go’aanka ayaa yimid toddobaadyo ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay “joojin joogto ah” oo ku saabsan socdaalka waxa uu ugu yeeray “dhammaan Dalalka Adduunka Saddexaad” isagoo ka jawaabaya toogashada laba askari oo ka tirsanaa Ilaalada Qaranka ah oo ka dhacday magaalada Washington, DC.