Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Raa’iisul Wasaaraha Japan Sanae Takaichi ayaa Talaadada maanta ah saxiixay heshiis qaab dhismeed ah oo lagu hubinayo sahayda dhulalka naadirka ah, iyadoo labada dal ay higsanayaan inay yareeyaan awoodda Shiinaha ee qaar ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee elektaroonigga ah.
Hoggaamiyayaasha ayaa dukumeentiyada ku saxiixay qasriga Akasaka ee magaalada Tokyo.
Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa inay Khamiista ku kulmaan Kuuriyada Koonfureed si ay uga wada hadlaan heshiis joojin doona canshuuraha Mareykanka ee aadka u sarreeya iyo xakamaynta dhoofinta dhulalka naadirka ah ee Shiinaha.




