Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu weeraro ballaaran ku qaaday kooxda ISIL ee ku sugan dalka Suuriya

0
140

Milateriga Mareykanka ayaa si ba’an u garaacaya goobaha ay ku sugan yihiin ISIS [ISIL] ee Suuriya, ayuu yiri madaxweyne Donald Trump, toddobaad kaddib markii laba askari oo Mareykan ah iyo turjumaan lagu dilay magaalada Palmyra ee dalka Suuriya.
Trump ayaa sheegay in dowladda Suuriya, oo la dhisay ka dib markii la riday nidaamka Bashaar Al-Asad dabayaaqadii 2024-kii, ay si buuxda u taageertay howlgalka militariga Mareykanka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya ayaa sidoo kale ku celisay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka ISIL waxayna sheegtay inay ku casuuntay Maraykanka iyo dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga caalamiga ah inay taageeraan dadaalladan.