Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in labo buundo oo ku kala yaalo gobollo kala duwan ay ku soo dumeen dadka rayidka ah iyagoo dilay 7 qof halka tobonaan kalena dhawaceen.
Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Kursk Alexander Khinshtein iyo maamulka Tareenada ayaa aalada fariimaha ee Telegram-ka ku sheegay in buundada ay ku duntay gobolka Kursk subaxnimadii Axadda markii tareen xamuul ah uu ka gudbayay.
Burburka Kursk ayaa yimid saacado ka dib markii buundo ku taalo gobolka Bryansk ay soo duntay gelinkii dambe ee Sabtida sida ay sheegeen Wasaaradda Xaaladaha Degdegga ah ee Ruushka iyo mas’uuliyiinta gobolka.