Toddobaadka wacyigelinta codbixiyayaasha dalka oo maanta billaabanaya

0
518

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa maanta xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ku qabanaya munaasabad lagu daahfuraya wacyigelin socon doonto muddo hal isbuuc ah.
IEBC ayaa toddobaadkan ugu magacdartay isbuuca wacyigelinta codbixiyayaasha ee sanadkiiba hal mar ah la qabto.
Xafladda oo billaaban doonto abaare 9:30 subaxnimo ayaa waxaa hal ku-dhig u ah ka qaybgelinta cid kasta iyo wax barid la xiriirta dimuqraadiyad awood leh.
Waxaa lagu wadaa in ay munaasabadda ka soo qayb galaan guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati, saraakiisha sar sare ee guddiga iyo daneeyaasha arrimaha doorashooyinka.
IEBC ayaa ujeedada laga leeyahay barnaamijkan oo laga billaabo maanta ilaa 20-ka bishan laga fulin doono 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay ku sheegtay in sare loo qaado fahamka shacabka ee ku aaddan qorshayaasha loo dejiyay codeynta iyo waajibaadka dastuuriga ee guddiga doorashooyinka .