Tobaneeyo qof oo dhintay kadib markii doon dalxiis ay ku dagtay xeebaha Halong Bay ee Vietnam

0
415

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay kadib markii doon dalxiis ay ku dagtay cimilo dabeylo wata oo ka dhacday xeebta Halong Bay ee dalka Vietnam.
Doontan ayaa sida ay wararka sheegayaan waxaa sarnaa 53 qof xilliga ay qalibmaysay.
Kooxaha gurmadka ayaa soo badbaadiyay 11 qof halka ay biyaha ka soo saareen meydadka 27 oo 8 ka mid ah ay carruur yihiin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Vietnam oo dowladda maamusho, iyadoo soo xiganaysa maamulka maxalliga ah.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan dalalka ay u dhasheen dalxiisayaasha. Inta badan dadka doonta saarnaa ayaa ahaa qoysas ka yimid caasimadda Hanoi, iyadoo in ka badan 20 carruur ah ay ka mid ahaayeen rakaabka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee VNExpress.
Raa’iisul wasaaraha Vietnam Pham Minh Chinh ayaa tacsi u diray qoysaska dadka ay dhinteen.