Tobanaan kun oo qof oo ku barakacay duufaan saameysay Vietnam iyo Shiinaha

0
208

Waxaa lagu soo warramayaa in tobanaan kun oo qof ay ka barakaceen guriyahooda ku yaalla Koonfurta dalalka Shiinaha iyo Vietnam ka dib duufaan xooggan oo halkaasi saameysay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in musiibadan awgeed la baajiyay boqolaal safarro ah oo isugu jiro duullimaadyo iyo tareeno.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka Shiinaha ayaa duufaanta la soo tabiyay ku sheegtay Talim,oo ah midii afaraad ee sanadkan gudihiisa laga diiwaangeliyay xeebta gobolka Guangdong.