Tobanaan kun oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Maraykanka oo shaqo joojin sameeyay

0
310

Waxaa shaqo joojin lagu tilmaamay midii ugu waynayd ee soo marto waaxda caafimaadka ee Maraykanka sameeyay tobanaan kun oo howlwadeenno ah.
In ka badan 75,000 oo ah shaqaalaha hay’adda aan dowliga ahayn ee daryeelka caafimaad ee Kaiser Permanente ayaa tallaabadan ku dhaqaaqay.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo dalkaasi uu la daala dhacaya sicir barar.
Howlwadeennada shaqo joojinta sameeyay ayaa ka cabanaya in aan la siin mushaaraad ku filan in kastoo ay qabtaan shaqooyin xad dhaaf ah.
Hay’adda Kaiser ayaa sidoo kale maamusho ilaa 39 isbitaallo ah waxayna sheegtay inay shaqaalaha gadoodsan la geli doonto heshiis gorgortan ku saleysan.