Toban qof oo ku dhaawacantay duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan Axadii

0
382

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, hal weerar oo ka dhacay daarta Rahhal ee Tire ayaa ku dhaawacantay sagaal qof, halka weerar kale oo ka dhacay Zrarieh, ee Sidon, uu ku dhaawacmay ilmo yar, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka.
Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ay ka geysaneyso Lubnaan inkastoo 27-kii bishii November ay Mareykanka dhexdhexaadineysay xabad-joojin ay ku dooneysay in lagu soo afjaro colaadda muddo ka badan hal sano ay kula jirtay Xisbullah.