Tirada haweenka wajahaya nafaqo darrada ee Afrika iyo Aasiya oo korortay boqolkiiba 25

0
352

Warbixin ay soo saartay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in tirada haweenka ku nool 12 ka mid ah waddamada qaaradaha Afrika iyo Aasiya ee wajahaya nafaqo darrada inay sare u kacday boqolkiiba 25.
Tiradan ayaa la diiwaangelinayay tan iyo sanadkii 2020-kii.
UNICEF ayaa laga soo xigtay in horay ay nafaqo darro u haysatay 5.5 milyan oo hooyooyin ah balse hadda ay tiradaasi gaartay 6.9 milyan.
Waddamadan ayaa kala ah Afghanistan, Burkina Faso, Chad, Ethiopia, Kenya, Mali, Niger, Nigeria, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Yemen.