Tirada dhimashada weerarka Israa’iil oo gaartay in ka badan 100 qof

0
134

Israa’iil ayaa sheegtay inay “dib u bilowday dhaqangelinta xabad joojinta” ka dib markii ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen duqeymo ka dhacay Qaza, oo ay ku jiraan ugu yaraan 46 carruur ah, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartey in weeraradan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 250 qof.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay weerarka qaaday ka dib markii laga dilay sarkaal ka tirsanaa ciidankeeda balse ay arrintan qalqal gelin doonin heshiiska.