Ugu yaraan 36 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dab ka kacay warshad dawooyinka sameysa oo ku taalla gobolka Telangana ee koonfurta Hindiya.
Guddi dowladeed ayaa la sameeyay si ay baaritaan ugu sameeyaan waxa sababay musiibadan.
Dabkan oo kacay gelinkii dambe ee Isniinta ayaa qabsaday xarun ay maamusho shirkadda Sigachi Industries oo qiyaastii 50 kiilo mitir (31 mayl) u jirta magaalada Hyderabad, caasimadda gobolka.
Maamulka gurmadka degdega ayaa 34 meyd ah ka soo saaray burburka, halka laba shaqaale oo kale ay u dhinteen dhaawacyo iyaga oo isbitaalka ku jira, sida uu sheegay agaasimaha adeegga dab damiska ee Telangana, GV Narayana Rao.
25 ka mid ah dadka dhintay ayaan weli la aqoonsanin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka degmada oo lagu magacaabo Pravinya.
Ilaa 36 shaqaale ah ayaa weli ku jira isbitaalka iyaga oo qaba dhaawacyo kala duwan. Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in in ka badan 140 qof ay ka shaqeynayeen warshadda markii uu dabka kacay.
Dhacdadan ayaa kicisay walaac cusub oo ku saabsan badbaadada warshadaha ee qaybta dawooyinka ee Hindiya ee kobcaysa. In kasta oo uu dalku sumcad ku leeyahay inuu yahay soo saaraha caalamiga ah ee dawooyinka iyo tallaallada jaban, shilalka dilaaga ah ee ka dhaca waaxyada wax-soo-saarka dawooyinka ayaan eheen wax ku yar.