Waxaa sii korortay dhimashada ka dhalatay dhul gariir ku dhuftay magaalooyin ku yaalla waddamada Turkiga iyo Syria, iyadoo ilaa iyo hadda ay dhinteen ugu yaraan 1,300 qof halka in ka badan 2,500 oo ruux ay ku dhaawacmeen.
Cabbirka dhul garirkan ayaa lagu sheegay 7.8, wuxuuna saameeyay gobollada Xalab, Hama, Latakia, Tartus iyo magaalada Aleppo ee dalka Syria.
Sidoo kale dhulgariirka ayaa saameeyay magaalooyin ku yaalla wadanka Turkiga.
Waxaa ka mid ah magaalooyinkan Kahramanmaraş, Hatay, Gaziantep, Osmaniye, Adıyaman, Malatya, Şanlıurfa, Adana, Diyarbakir iyo Kilis.
Turkiga, ugu yaraan 912 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan 2,323 oo ruux ay dhaawacmeen, sida uu sheegay ku xigeenka madaxweynaha dalkaasi Fuat Oktay.
Dalka Suuriya, ugu yaraan 467 qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, halka dhaawacyada ay kor u dhaafayaan 600 oo ruux.
Dhulka Syria ee uu saameeyay dhulgariirka ayaa u kala qaybsan goobaha ay gacanta ku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
Mucaaradka Syria ayaa ku tilmaamay dhulgariirkan xaalad musiibo ah.
Waxaa ay intaasi ku dareen in dhismayaal badan ay soo dumeen, dadna ay ku hoos jiraan burburka hoostiisa.