Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza iyadoo 109 ka mid ah kooxaha gargaarka ay ku baaqeen in tallaabo laga qaado Israa’iil, iyagoo ka digaya in “Gaajo baahsan ay ku sii fideyso” guud ahaan gobolka.
Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof oo Falastiiniyiin ah ay gaajo ugu dhinteen hal maalin gudaheed, taasoo ka dhigeysa tirada dhimashada dadka gaajada u dhintey 101 qof oo ay ku jiraan 80 caruur ah.
Dhanka kale Midowga Yurub ayaa uga digay Israa’iil inay tallaabo ka qaado dhibaatada gaajada ka sii daraysa ee Qaza, iyadoo Maraykanka uu sheegay in ergayga Trump, Steve Witkoff, uu Yurub u aadi doono wadahadallo xabbad joojin ah iyo gargaar isbuucan gudahiisa.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa inta uu socdo tan iyi 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa lagu dilay ugu yaraan 59,106 qof halka lagu dhaawacay 142,511 kale oo Falastiniyiin ah.




