Tirada dalxiisayaasha dalka yimid oo korortay

0
268

Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Peninah Malonza ayaa sheegtay inay korortay tirada dalxiisayaasha soo gaaray wadanka shanti bilood ee ugu dambeysay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tiradan ay bishii Tobnaad ee sanadkii hore ahayd 870,000 halka bishii Saddexaad ee sanadkan ay noqotay 1,487,000.
Waxay intaasi ku dartay in la rajeynaya in tirada dalxiisayaasha ay labada sano ee nagu soo aaddan gudahooda saddex jibbaar noqoto.
Waxay carrabka ku adkeysay in muddadii ay xilka haysay in tirada dalxiisayaasha ay ku korortay 600, 000.
Tani ayay u aaneysay olole ballaaran oo la sameeyay ka dib saameyntii cudurka COVID-19.
Wasiiradda ayaa tilmaantay in dowladda dhexe ay guda gashay qorsho dhameystiran oo lagu soo jiidanaya dalxiisayaal caalami iyo kuwo maxalli ah labaduba.
Malonza ayaa laga soo xigtay in qorshaha wasaaradda uu yahay in sanadkan 2025-ka , dalxiisayaasha Kenya imaanaya ay tiro ahaan gaaraan 5.5 milyan.