Tirada dadkii ku dhintay dhulgariirka Taiwan oo sii korortay

0
454

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan dhulgariir uu cabbirkiisu yahay 7.5 oo laga soo tabiyay jasiiradda Taiwan.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 9 qof
Sidoo kale tirada dadka dhaawacmay ayaa sii korortay waxayna kor u dhaaftay 882 oo ruux.
Burburka ugu badan ee ka dhashay dhulgariirka ayaa laga soo tabiyay magaalada bari ee Hualien iyo degmooyinka u dhow.
Waxaa meelaha burburay oo ay ka mid tahay goob macdanta laga soo saaro ku hoos xanniban in ka badan 70 qof.
Sidoo kale ilaa 50 qof oo dheeraad ah oo basas saarnaa ayaa la waayay oo weli la la’yahay .
Isgaarsiinta dhanka taleefoonnada ayaa aad u hooseysa.
Dhulgariirka ayaa lagu sheegay midkii ugu xoogganaa ee taariikhda Taiwan soo maray muddo 25 sano ah.
21-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii 1999, ayay ahayd markii uu Taiwan ku dhuftay dhulgariir uu cabbirkiisu ahaa 7.7.
Waxaa xilligaasi musiibadaasi ku dhintay 2,400 oo qof halka ay ku dhaawacmeen 10,000 oo dheeraad ah iyadoo ay hooy la’aan noqdeen 100,000 qof .
Waxaa 25 sano ka hor dhulgariirkii Taiwan ku burburay kumanaan dhismooyin ah , waddooyin iyo buundooyin.