Tirada dadka lagu dilay Qaza oo sii korortay

0
142

Waxaa sare u sii kacday  tirada shacabka ee lagu dilay  duqeymaha ay  Israa’iil ka wado Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa  halkaasi  ku geeriyooday 33,729 qof oo Falastiiniyiin ah.
Sidoo kale waxaa la dhaawacay 76,371ruux oo dheeraad ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sidatan xaqiijisay.
Waxay  u badan tahay in dhimashadu ay intan  ka sarreysa  iyadoo la rumeysan yahay in qiyaastii 8,000 oo meydad ah  ay  ku xannibmeen burburka  guriya  la duqeeyay.
Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay  la dilay 43 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 62 kale.