Tirada dadka ku dhintay shilkii Salgaa oo korortay

0
339

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay shilkii laga soo tabiyay waddada u dhexeysa magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar qof.
Labo ka mid ah dadkan ayaa ku dhintay isla goobta uu shilka ka dhacay halka labo kalena ay u geeriyoodeen dhaawacyo soo gaaray.
Shilka ayaa ka dhacay aagga Sobea ee magaalada Salgaa.
Shilka oo xalay ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa Nakuru iyo Eldoret ayaa saameeyay baabuur nooca mataatuuda ah oo ay leedahay shirkadda Nanaki Sacco taasi oo ku wajahnayd Nakuru ,baabuur xamuul iyo taksi.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga xamuulka uu ku dhacay mataatuuda xilli uu darawalka isku dayayay inuu ka weecdo taksiga oo si xowli ah loo kaxeynayay.
8-da ruux ee ay dhaawacyada culus ka soo gaareen shilka ayaa lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Nakuru.
Subaxnimadii Sabtida ayay ahayd markii 5 qof ay ku dhinteen halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay waddada xiriirisa Eldoret iyo Nakuru .
Shilkaasi oo u dhexeeyay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyo baabuur xamuul ayaa laga soo tabiyay aagga Migaa ee ismaamulka Nakuru .