Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Japan oo gaartay 161 qof

0
205

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay dhulgariirkii saameeyay wadanka Japan iyadoo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay musiibadaasi ku geeriyoodeen 161 ruux.
Waxaa weli la la’yahay 100 qof oo dheeraad ah tani oo sii adkeynaysa howlaha samatabixinta.
Kumanaan ka mid ah saraakiisha difaaca , kuwa waaxda dab damiska iyo booliiska ayaa weli baaritaano ka sameynaya guriyaha dumay si haddii ay meydad dheeraad ah ku soo jiraan looga soo saaro.
Dhulgariirka ayaa saameeyay gacanka Noto Peninsula ee gobolka Ishikawa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdooyin gaaraya 1,000 oo dhul go’a ah in aagaasi laga soo tabiyay.
Waxaa dhanka kale koronto la’aan ah 18,000 oo qoys oo ku nool gobolka Ishikawa halka ugu yaraan 66,100 kalena ay biyo la’aan wajahayaan.
Dhanka kale dowladda Japan ayaa hooy ku meel gaar ah u sameysay in ka badan 28,800 oo qof oo ay gabaabsi ku yihiin adeegyada biyaha iyo korontada.