Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ku geeriyooday dhul gariir uu cabbirkiisu yahay 6.9 oo saameeyay Bartamaha dalka Filibiin.
Saraakiisha maxalliga ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo hadda ay dhinteen 72 ruux.
Golaha qaran ee maareynta musiibooyinka iyo yareynta khatarrada ee dalkaasi ee (NDRRMC) ayaa sheegay in aynan jirin cid la la’yahay.
Afhayeenka golahan ,Junie Castillo ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda diiradda la saaraya sidii loo caawin lahaa dadka dhaawacmay iyo barakacayaasha.