Dowladda dhexe ayaa ansixisay in wadanka la soo geliyo timir iyadoo aan ganacsatada laga qaadayn wax canshuur ah.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa arrinkan bayaan ku shaaciyey.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maalmo kooban naga xigaan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay dowladda dhexe fasaxdo in xilliga Ramadaan dalka la soo geliyo timir aan canshuur la saarayn si garab istaag loogu muujiyo bulshada muslimiinta ah.