TIFA oo daraasaad ku sheegtay in Linturi uu yahay wasiirka ugu waxqabadka hooseeya

0
385

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in wasiirka ugu waxqabadka hooseeya uu yahay Mithika Linturi, wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka.
Kenyaanka la wareystay ayaa waxqabadka wasiirka ku sheegay buunddada E oo ah midda ugu hooseysa.
Waxay tani u aaneeyeen in uunan si wanaagsan u maareyn barnaamijka bacriminta qiimaheeda la dhimay.
Sida ku cad warbixinta daraasaadka TIFA, wasiirrada kale ee uu waxqabadkoodu hooseeya waxaa ka mid ah Zachary Njeru, Rebecca Miano, Florence Bore iyo Davis Chirchir oo helay buundada D-.
Wasiirka ugu waxqabadka fiican ayay kenyaanka ku sheegeen wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki oo helay buundada B waxaana soo raaca madaxa wasiirrada ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Cayaaraha Ababu Namwamba oo labaduba waxqabadkooda lagu qiyaasay buundada C+.