Thailand iyo Cambodia oo ku heshiiyay inay kulmaan iyadoo ay dib u soo cusboonaadeen dagaallada xuduudaha

0
121

Thailand iyo Cambodia ayaa ku heshiiyay inay yeeshaan kulan ay isugu imabayaan saraakiisha difaaca ugu sareeya toddobaadkan iyadoo hoggaamiyeyaasha gobolka ay ku riixayaan joojinta rabshadaha dilaaga ah ee ka dhaca xuduudda ay wadaagaan labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Thailand Sihasak Phuangketkeow ayaa ku dhawaaqay wadahadallada la qorsheeyay Isniintii ka dib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Kuala Lumpur wasiirrada arrimaha dibadda ee Koonfur-bari Aasiya, kuwaas oo isku dayayay inay badbaadiyaan heshiiska xabbad joojinta.
Xabad joojintaas ayaa waxaa markii ugu horreysay dhexdhexaadiyay guddoomiyaha Ururka Qarammada Koonfur bari Aasiya (ASEAN) iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka dib markii dagaal xuduudeed uu qarxay bishii Luulyo ee sanadkan.
Sihasak ayaa u sheegay warbaahinta in wadahadallada toddobaadkan lagu qaban doono Arbacada magaalada Chanthaburi ee Thailand, iyadoo la raacayo qaab dhismeedka guddiga xuduudaha ee labada dhinac.
Inkasta oo uu jiro dagaalka xuduudaha ka socda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Cambodia ayaa sheegtay inay weli “rajo ka qabto in dhinaca Thailand ay muujin doonto daacadnimo” hirgelinta xabbad joojinta.
Sihasak ee Thailand ayaa si kastaba ha ahaatee waxaa uu ka digay in kulanka soo socda uusan isla markiiba soo saari karin heshiis xabbad joojin ah.