Thailand iyo Cambodia oo gaaray heshiis xabbad joojin ah

0
407

Thailand iyo Cambodia ayaa sheegay inay kala saxiixdeen heshiis xabad joojin ah si loo soo afjaro dagaallo xooggan oo toddobaadyo ka socday xuduudkooda oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof isla markaana ay ku barakaceen in ka badan nus milyan oo rayid ah labada dal.
“Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen xabad joojin degdeg ah ka dib markii la saxiixay Bayaanka Wadajirka ah,” ayay wasiirrada difaaca ee Thailand iyo Cambodia ku sheegeen bayaan ay soo saareen Sabtida maanta ah.