Waxaa abaare 12:45 duhurnimo ee maanta gudaha dalka ka billaabanaya tartanka caalamiga ee darawalnimada oo loo yaqaano Safari Rally .
Tartanka oo ka dhici doono Naivasha oo ka tirsan ismaamulka Nakuru ayaa si rasmi ah loogu daahfurayaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Taliyaha waaxda taraafikada ee Nairobi Joshua Omukata ayaa gaadiidleyda ka codsaday in aynan ilaa 12-ka duhurnimo ee maanta adeegsan wadooyinka waawayn ee Thika Road iyo Uhuru Highway.
Wasiiradda cayaaraha Amina Maxamad ayaa sheegtay in ay tahay arrin lagu farxo in 19 sano ka dib qaaradda Afrika gaar ahaan Kenya lagu qabanaya tartankan.
Waxay intaasi ku dartay in si buuxda loo raacayo amarrada dowladda dhexe ay ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID19.
Tartanka oo maanta billaabanaya ayaa socon doono ilaa 27-ka bishan oo ku beegan maalinka Axadda.