Madaxweynaha dalka Tanzania , Samia Suluhu Xasan ayaa ku dhawaaqday toddobo cishe oo baroordiiq ah.
Waxaa muddadan oo ka billaabanaysa maanta oo Jimco ah meel dhexe la gaynaya calanka dalkaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii labaad ee dalka Tanzania Cali Xasan Mwinyi.
Mwinyi ayaa tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore waxaa lagu daaweynayay magaalada London ee Ingiriiska ka hor inta uunan dib ugu soo laaban Tanzania oo uu ku geeriyooday.
Madaxweyne Samia Suluhu Xasan ayaa sheegtay in dib laga shaacin doono qabanqaabada aaska balse waxaa Mwinyi lagu aasi doonaa Zanzibar.
Ka hor inta uunan dalkaasi madaxweyne ka noqon sanadkii 1985-tii waxaa uu soo qabtay xilal kala duwan sida wasiirkii arrimaha gudaha iyo madaxweyne ku xigeen.
Sidoo kale waxaa uu intii u dhexeysay 1990-kii iyo 1996-dii hoggaaminayay xisbiga Chama Cha Mapinduzi (CCM).
Madaxweyne Samia Suluhu Xasan ayaa xaqiijisay kana tacsiyadeysay geerida xalay fiidkii ku timid mas’uulkan hore.
Waxay khudbadeeda qaran ku sheegtay in Tanzania uu ka baxay shakhsi waxyaabo badan ku soo kordhiyay horumarka iyo saaxadda siyaasadeed ee dalkaasi.