Tanzania oo ka laabatay go’aan ka dhan ahaa Kenya Airways

0
294

Dowladda Tanzania ayaa ka laabatay qorshaheedii ku aaddaana in la hakiyo duullimaadyada ay wadankaasi ku tagaan diyaaradaha shirkadda qaran ee duullimaadyada ee Kenya Airways.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Kenya Airways xuquuq u siisay shirkadda duullimaadka ee Tanzania ee Air Tanzania Company Limited si gaar ah adeegga xamuulka.
Agaasimaha guud ee maamulka duullimaadka rayidka ee Tanzania Hamza Johari ayaa sheegay in lagala laabtay go’aankii uu shaaciyay oo lagu waday inuu dhaqan galo 22-ka bishan.
Waxaa uu sheegay in maanta ay sidii caadiga ahayd u soo noqdeen dhammaan adeegyada xamuulka ee diyaaradaha.