Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Tanzania iyo Kenya ayaa u muuqata mid cirka isku sii shareeraysa ka dib dhacdo cusub oo hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania Godbless Lema loo diiday inuu dalkiisa ka dhoofo si uu daryeel caafimaad ugu tago magaalada Nairobi.
Lema oo ah nin caan ka ah xisbiga CHADEMA ee Tanzania, ayaa lagu xiray in ka badan afar saacadood Jimcihii barta xudduudda Namanga ka hor inta aan dib loo celin oo aan baasaboorkiisa ka qaadin saraakiisha socdaalka Tanzania.
Markii dambe waxaa uu daaha ka qaaday in la geliyay “liiska joogitaanka” waxaana lagu amray inuu ku laabto magaalada Arusha, inkastoo uusan jirin kiis sharci oo la garanayo ama xayiraad socdaal oo si rasmi ah loola xiriiriyay.
Lema ayaa waxaa uu tilmaamay in uu aad u xanuunsanyahay, isla markaana uu qorshaynayay in uu ka qayb galo balan caafimaad oo uu Nairobi uga qayb gelli lahaa maalinta xigta.
Godbless Lema ayaa sidoo kale dhaleeceeyay sharcinimada tallaabadaas, isagoo sheegay in loo diiday xuquuqdii socdaalka iyadoo aan loo marrin qaab sharci ah.
Qoraal ay soo saartay Waaxda Socdaalka Tanzania ayaa lagu xaqiijiyay in Lema lagu xiray xuduudka, waxaana looga yeeray xarunteeda magaalada Dodoma si su’aalo dheeraad ah loo weydiiyo.
Afhayeen u hadlay waaxda oo lagu magacaabo Paul J. Mselle ayaa meesha ka saaray sheegashada Lema ee ah beegsiga siyaasadeed, isagoo sheegay in xaddidaadda aysan ku wajahneyn madaxda CHADEMA wuxuuna ugu baaqay shacabka inay iska indhatiraan waxa uu ku tilmaamay “been” oo lagu wadaago baraha bulshada.