Dowladda dalka Tanzania ayaa go’aansatay in laga billaabo 22-ka bishan Koowaad ay hakiso dhammaan duullimaadyada shirkadda Kenya Airways.
Tani ayaa loo aaneeyay muran ka dhashay in Kenya ay iska diiday codsi la xiriira xamuulka oo ay soo gudbisay shirkadda duullimaadka ee Tanzania ee Air Tanzania Company Limited.
Waxaa go’aanka lagu hakinaya duullimaadyada shirkadda Kenya Airways ee Tanzania bayaan ku shaaciyay agaasimaha guud ee maamulka duullimaadyada rayidka ee dalka Tanzania Hamza Johari.