Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa sheegay in wadankaasi laga eryay dibloomaasiyiin ka soo jeedo Ruushka oo gaaraya 30.
Talyaaniga ayaa tallaabada uu qaaday u aaneeyay sababo dhanka amniga qarankaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale galinkii hore ee maanta loo yeeray safiirka Ruushka halkaasi ku matalo Sergey Razov si loogu wargeliyo mowqifka dowladda Talyaaniga ee ah in 30-ka dibloomaasiyiin aan wadankaasi laga rabin.
Dhanka kale dowladda Denmark ayaa sheegtay inay wadankeeda ka cayrin doonto 15 dibloomaasiyiin ah oo u dhashay Ruushka.
Xukuumadda Moscow ayaa dhaliil kala kulmeysa caalamka si gaar ah waddamada qaaradda Yurub ka dib markii ciidamadeeda lagu eedeyay inay dad shacab ah ku dileen magaalada Bucha ee Ukraine.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Denmark ayaa sheegtay inaysan xiriirka dibloomaasiyadeed u jarin doonin Moscow.
Ruushka ayaa dhankiisa sheegay inuu aargoosan doono sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee RIA.