Taliyihii hay’adda nabadsugidda ee NISA ee degmada Doolow oo la dilay

0
280

Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland, Barre Maxamad, ayaa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda nabadsugidda ee NISA ee degmada Doolow, Ibraahim Hilowle.
Waxaa uu sheegay, in dilka taliyaha ay ka dambeysay xaaskiisa uu dhawaan guursaday. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku dishay bistooladiisa, ayna haatan xiran tahay.
Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xaaskiisa qiratay inay iyadu dishay, ka dib markii loogu yimid iyadoo gacanta ku haysatay bistooladiisa isaguna uu markaas mayd yahay.
Waxaa uu guddoomiyaha intaasi ku daray inay shaki weyn ay horay uga qabeen xaaskiisa inay xiriir la leedahay oo ay ka tirsan tahay kooxda Al-Shaabab.
“Ishaan ka aragnay naagtan inay Shabaab tahay, ninkaan shirqool ayay u dhigaysay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Doolow.
Waxaa uu sheegay inuu baaritaan ku socda eedeysanaha la hayo.
Si kastaba ha ahaatee, horraan dilal shirqool ah oo ay kooxda Shabaab ka dambeysay ayaa lagu dilay qaar ka tirsan saraakiisha gobolka Gedo.