Taliye ku xigeenkii hore ee booliiska dalka oo geeriyooday

0
219

Waxaa geeriyooday Zachary King’ori Mwangi oo horay u soo noqday ku xigeenkii taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka.
King’ori ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu daaweynayay.
Xubnaha qoyskiisa ayaa xaqiijiyay geerida ku timid waxayna sheegeen inay dadweynaha la wadaagi doonaan macluumaad dheeraad ah.
Waxaa uu sidoo kale soo qabtay xilka madaxa booliiska ee gobollada Nairobi, Mombasa iyo Galbeedka, agaasimaha howlaha xarunta dhexe ee booliiska ee Nairobi, afhayeenka booliiska iyo agaasimaha machadka lagu tababaro ciidamada booliiska ee Kiganjo.
Ka hor intii uunan howlgab noqon sanadkii 2020-kii, waxaa uu la shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda.