Shirkii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu meelmariyey Magacaabista Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen Sulub Axmad Fidhin.
Taliyaha cusub ayaa horay u ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu beddelay Taliyihii Booliska Soomaaliya Janeraal Xijaar.