Taliyaha saldhig booliis oo ku yaalla Samburu oo diiday 80,000 oo laaluush ah

0
552

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa bogaadiyay taliyaha saldhigga booliiska ee Archers Post Police Station ee ismaamulka Samburu ,Andrew Nyabicha.
Tani ayaa timid ka dib markii sarkaalkan uu diiday inuu qaato laaluush lacageed oo dhan 80,000 oo shilin.
Waxaa qaadashada laaluushka u soo bandhigay saddex qof oo doonayay in la soo siidaayo mid ka mid ah ehelladooda oo lagu magacaabo Maxamad Mustaf Maxamad kaasi oo ay ciidamada xireen.
Maxamad ayaa ku eedeysan fal dhac ah iyo tahriibinta dadka.
Andrew Nyabicha ayaa arrinkan ku wargeliyay guddiga EACC taasi oo suurtagelsay in la xiro dadkii taliyaha u soo bandhigay inuu laaluushka qaato.
EACC ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegtay George Guyo, Xasan Sheekh Maxamad iyo Maxamad Macallin Cabbaas.
Waxaa hadda socdo baaritaano ka dhan ah tuhmanayaasha.