Taliyaha militariga dalka Suudaan sidoo kalena ah madaxweynaha golaha ku meel gaarka ah ee wadankaasi Cabdel-Fattax al-Burhan ayaa ka digay in haddii colaadda kala dhexeysa saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF aan la xakameyn in dagaalka uu sii fidi karo oo uu noqonaya mid saameeya guud ahaan gobolka.
Arrintan ayuu ka sheegay kal-fadhiga 78-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay oo ka socdo magaalada New York ee Maraykanka.
Taliyaha ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay cadaadis xooggan saarto ciidamada RSF.
Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in saraakiishan loo aqoonsado inay yihiin argagixiso.
Waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka ka taagan Suudaan uu halis ku yahay caalamka maadaama sida uu hadalka u dhigay dhinaca ay la dagaallamayaan ay hadda garab ka helayaan kooxo la mamnuucay iyo kuwo argagixiso ah oo ka soo jeedo waddamo kala duwan.
Isku dhaca labada dhinac oo soo billowday bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan ayaa lagu dilay ugu yaraan 7,500 qof halka ilaa 5 milyan oo kalena ay ku barakaceen.