Taliyaha guud ee booliiska oo sheegay in aan lagu cabsi gelin karin ICC

0
289

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa maanta gaashaanka u daruuray warqad ay siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya ay sheegeen inay u qoreen maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa hoosta ka xarriiqay inay doonayaan in maxkamadda ay baarto Koome oo ay ku eedeynayaan inuu saraakiisha booliiska amar cad ku siiyay inay dhibaateeyaan oo ay dilaan dibadbaxayaasha xilli ay mudaaharaadyo ka socdeen ismaamullada Nairobi iyo Kisumu.
Azimio ayaa doonaysa in dabagal lagu sameeyo awood xad dhaaf ah oo ay booliiska u adeegsadeen ka falcelinta dibadbaxyada.
Waxaa maxkamadda ICC warqadda u qoray wakiilka dhanka sharciga ee isbeheysiga mucaaradka Paul Mwangi.
Hasa ahaate Koome oo maanta warbaahinta kula hadlay hooygiisa ayaa sheegay inuunan marnaba ka gaabin doonin gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Waxaa uu intaasi ku daray in warqadda loo gudbiyay ICC aynan marnaba cabsi gelin doonin isagoo saraakiisha booliiska ku boorriyay in tani aynan caqabad ku noqon qaabka ay ugu adeegayaan shacabka.
Taliyaha guud ee booliiska dalka ayaa warqadda mucaaradka ku tilmaamay dacaayad uu riixaya siyaasi leh dano shakhsiyeed.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladdu ay Koome ka difaaci doonto waxa uu ku tilmaamay caga-jugleynta uga timid garabka mucaaradka ee dalka.