Taliyaha guud ee booliiska oo sheegay in aan dibadbaxyo la qaban karin

0
258

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Japhet Koome ayaa bayaan uu soo saaray ku mamnuucay in gudaha wadanka ay dibadbaxyo ka dhacaan.
Waxaa uu sheegay in isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja –One Kenya uu ku guul dareystay inuu laamaha ammaanka ku wargeliyo mudaaharaadyada uu qorsheeyay in maanta la qabto.
Koome ayaa hoosta ka xarriiqay in arrinkan ay uga war heleen keliya saxaafadda oo qaban qaabiyaasha dibadbaxyada aynan gudbin wargelin rasmi ah.
Waxaa uu bayaanka ku xusay in iyadoo la tixgelinaya amniga qaran in saraakiisha booliiska ay kala eryi doonaan shakhsiyaadka hal meel ah isugu yimaado.
Koome ayaa dhanka kale carrabka ku adkeeyay in kastoo farqada 37-aad ee dastuurka dalka ay ku caddahay in dadka ay xaq u leeyihiin isku imaatin iyo cabasho gudbin haddana in isku soo baxyadii horay uga dhacay gudaha wadanka ay sababeen burbur hantiyadeed iyo dhimashooyin sidaasi awgeedna aan la oggolaan karin in mudaharaadyada noocani ah ay sii socdaan.
Sidoo kale taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Japhet Koome ayaa saraakiisha ammaanka uga mahadceliyay sida naf hurnimada leh ee ay qaranka ugu adeegayaan isagoo u xaqiijiyay in dowladdu ay garab ku siinaysa gudashada waajibaadkooda shaqo.