Taliyaha guud ee booliiska oo bixiyay amar ka dhan ah dibadbaxyada dhakhaatiirta

0
252

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa dhakhaatiirta ku tilmaamay kuwo dhibaatooyin ku haya shacabka iyo bukaannada.
Waxaa uu saraakiisha ammaanka ku amray in ay si wayn uga falceliyaan dibadbaxyada ay ismaamullada kala duwan ka sameeyaan dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro in ka badan hal bil.
Koome ayaa sheegay in howlwadeennada caafimaadka ay isugu tagaan waddooyinka tani oo carqaladeysay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dhakhaatiirta ay mudaaharaadyo sameeyeen iyagoo aan ku wargelin ciidamada booliiska tani oo liddi ku ah xeerarka dastuuriga ee degsan.
Hasa ahaate waxaa arrinkan durbaba gaashaanka u daruuray Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) Dr. Davji Atellah .
Bayaan uu soo saaray Dr. Davji ayuu ku sheegay in hanjabaaddan ay caqabad ku tahay xaqa ay dhakhaatiirta u leeyihiin in ay dibadbaxaan oo ay tabashooyinkooda soo bandhigaan.