Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Mahad Maxame=ad Salaad, taas oo ka dhacday xarunta hay’adda.
Xil wareejinta ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamead Xuseen Rooble ayaa sheegay in taliyaha cusub looga baahan yahay dardargalinta sugidda Amniga caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.