Taliyaha cusub ee booliska gobolka waqooyi bari oo la magacaabay

0
1191

Taliyihii booliska ee ismaamulka Mandera George Seda ayaa la dallacsiiyay waxaana laga dhigay sarkaalka ay ka amar qaadanayaan ciidamada booliska ee ka howlgalo saddexda dowlad deegaan ee hoos tago gobolka waqooyi bari.
Seda ayaa beddelaya Rono Bunei oo loo wareejiyay dhanka gobolka bari.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qarax shalay ka dhacay ismaamulka Mandera lagu dilay 7 qof halka ugu yaraan 13 kalena ay dhaawacmeen.
Bishii hore ayay ahayd markii ay dowladda dhexe iskushaandheyn ku sameysay iskuduwayaasha u qaabilsan gobollada wadanka iyadoo tallaabadaasi ku sheegtay mid iska caadi ah.