Taliyaha guud ee booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamad Xijaar ayaa Korneel Mahad Cumar Muumin u magacaabay taliyaha cusub ee booliska ee qaybta gobolka Banaadir ka dib markii dhawaan uu qarax ku dhintay taliyihii booliska ee gobolkaas, Janeraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).
Mahad Cumar waa “Sarkaal firfircoon iyo qabiir dhanka ammaanka ah oo in muddo ah ka soo shaqeynayay Amniga, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed @GenHijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.
— Somali Police Force (@SoPoliceForce) October 11, 2022
Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa bishii hore ku dhintay howlgal ka socday deegaanada dhaca xuduudda saddexda gobol ee Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.




