Taliyaha Ciidamada Difaaca oo xilkiisa loo dhaariyay

0
314

Waxaa shalay xilkiisa loo dhaariyay Francis Omondi Ogolla oo noqonaya taliyaha ciidamada difaaca ee dalka halka ku xigeenkiisana loo dhaariyay saaka General Jonah Maina Mwang.
Xaflada dhaarinta waxaa ay ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Nairobi.
Ogolla waxa uu bedelay General Robert Kariuki Kibochi oo mudo xileedkisia ay dhamaaday.
General Kibochi,waxaa uu xirfada Militiga ku soo jirey muddo 44 sano ah.
Madaxweynaha dalka ayaa kula dardaarmey taliyaasha loo magacaabey xilalkooda inay si wanaagsan u gutaan ayna dowlada ku kalsoon tahay.
Dhninaca kale Sarreeye Guuto David Kipkemboi Keter ayaa loo dalacsiiyay Major General waxaana loo magacaabay Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Difaaca .
Madaxa Dawladdu waxa uu Sarreeye Guuto Stephen James Mutuku u dalacsiiyay in uu noqdo Sarreeye Sare (Ciidan) oo ka tirsan Kulliyada Difaaca Qaranka.
Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Maxamed Burje ayaa loo dalacsiiyay Agaasimaha Sirdoonka Militariga (DMI), halka Sarreeye Guuto Paul Owuor Otieno –sidoo kale– loo magacaabay Agaasimaha Maamulka ee Shirkadda Shipyards Kenya Limited .