Taliyaha ciidamada booliska Kenya oo is casilay iyadoo mid cusub la magacaabay

0
517

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in sababo caafimaad ay ku qasbeen in taliyaha guud ciidamada booliska Kenya Mr. Hillary Mutyambai inuu shaqadaasi ka tago oo uu is casilo.
Waxaa uu xilka abaanduulaha ciidaka booliska u magacaabay Japheth Koome oo ahaa taliyaha kulliyada adeegga booliska qaranka ee Kiganjo.
Waxaa taliyaha cusub turxaan bixin doono golaha qaran ee xeer dejinta.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay maanta mar uu xarunta madaxtooyada wadanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi shaaca kaga qaaday golihiisa wasiirrada.
Dr. Ruto ayaa sidoo kale sheegay in madaxii agaasinka waaxda dambi baarista dalka George Kinoti uu isna is casilay.
“Waxaan ka codsanaya guddiga qaran ee adeegga booliska inuu xayeysiiyo jagada uu banneeyay Mr. Kinoti,” ayuu yiri madaxweynaha dalka.