Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Booliska Nairobi Samson Talam, ayaa la filayaa inuu ka soo hormuuqdo Maxkamadaha Sharciga ee Milimani Isniinta maanta ah ,isagoona wajahaya eedeymo ka dhan ah dilka lagula kacay Albert Ojwang.
Ojwang oo ahaa Macalin sido kalena baraha bulshada la sheegay inuu ku dhaliilay taliye ku xigeenka Booliska dalka Lagat ayaa ku dhintay xaalado shaki leh isagoo ku jira gacanta booliska.
Ilaha booliiska ayaa u sheegay warbaahinta in xeer ilaalintu ay raadin doonto inay sii hayso Talam laba ilaa saddex toddobaad oo kale si loogu ogolaado dhamaystirka baaritaanada ka hor inta aan si rasmi ah loogu soo oogin eedaymaha dilka.
Talam ayaa jimcihii lagu xiray magaalada Eldoret ka dib baadi goob lagu sameeyay.
Xarigiisa ayaa ka dhigaya tirada shaqsiyaadka loo xiray dilka Ojwang saddex, iyadoo qaar kalena ay weli baaritaan ku socdaan.
Taliye Talaam waxa uu ku adkaysanaya in aanu shaqada ku jirin markii Ojwang la keenayay saldhiga , isaga oo sheegay in uu jagadiisa u wakiishay ku xigeenkiisa.
Shalay ayay ahayd markii maxaabiis ku xirneed xabsiga Central su’aalo laga weydiyay waxa ay ka ogyihiin dilka Ojwang,iyagoona looga shakisan yahay inay ka qeyb qaateen dilkiisa.