Taliyaasha ammaanka ee Taita Taveta oo loo yeeray ka dib guriyo halkaasi lagu burburiyey

0
229

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa amray in baaritaano xaqiiqa raadin ah lagu sameeyo tallaabo shalay lagu burburiyay dhismooyin ku yaallay magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta.
Waxaa uu xarunta dhexe ee booliiska ee magaalada Nairobi uga yeeray taliyaha booliiska ee gobolka Xeebta, taliyaha booliiska ee ismaamulka Taita Taveta iyo madaxa booliiska ee deegaanka Voi.
Koome ayaa xusay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono sarkaal kasta oo lagu helo inuu burburinta guriyaha fuliyay iyadoo aan la haysan oggolaansho rasmi ah.
Arrintan ayaa saameysay in ka badan 3,000 oo qoys oo ku nool deegaanka Msambweni.
Waxaa dhulka ay guriyaha la dumiyay ku yaalleen sheeganaysa shirkadda Sparkles Properties Limited.