Taliska militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta xeradooda Kahawa Barracks ee ismaamulka Nairobi ku wareejiyay qalab casri ah oo ay saraakiisha isku difaaci karaan oo qiimo ahaan dhan in ka badan 220 milyan oo shilin.
Agabkan ayaa lagu xoojinaya badqabka iyo awoodaha ciidamada KDF –ta.
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa laga soo xigtay in qalabkan uu door wayn ka qaadan doono howlgallada nabad sugidda iyo la dagaallanka argagixisada ee socda.
Safaaradda ayaa intaasi ku dartay in agabkan dalka la keenay 22-kii bishan oona lagula tacaali doono caqabadaha amni ee ka jira gobolka.
Major General Kenneth Ekman oo ah agaasimaha istaraatiijiyadda iyo barnaamijyada taliska Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ciidamada difaaca ee Kenya qalab ugu deeqaan.
Tani ayuu tilmaamay inay muujinaysa sida ay dowladda Maraykanka uga go’an tahay taageeridda dadaallada amni ee saaxiibadeeda caalamka .
Waxaa uu xusay inay oofiyeen codsi uga yimid militariga Kenya oo xoghayaha waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka ,Lloyd Austin lala wadaagay xilli uu bishii Sagaalaad ee sanadkii hore safar ku yimid dalka.
Maraykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono iskaashiga kala dhexeya Kenya iyo saaxiibada kale ee Afrika si loo hubiyo nabad galyada iyo xasiloonida gobolka.
Taliyaha guud ee taliska dhexe ee bariga Major General Juma Mwinyika ayaa dhankiisa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidamada qalabka sida ee Kenya.




