Taliska Hawlgalka ATMIS oo ka war bixiyay qorshaha ka bixitaanka Ciidankooda Soomaaliya sanadka 2024

0
345

Taliyaha ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS, Sam Okiding ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshaha ciidanka ATMIS ee sanadka cusub ee 2024-ka oo ay ka dhiman tahay saacado kooban kaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay taliyaha ciidanka ATMIS in shir ka dhacaya dhawaan magaalada Muqdisho iney isugu imaan doonaan dhamaan taliyaasha ciidanka ATMIS, kaasoo looga hadli doono sidii loo soo afjari lahaa howlgalada lagu doonayo in Shabaab looga ciribtiro guud ahaan Soomaaliya.
Sam Okiding ayaa sheegay in mudnaanta ciidanka ATMIS ee sanadka 2024 iney tahay ciribtirka Al-shabaab iyo sare u qaadista awooda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay taliyaha ciidanka ATMIS ayaa ku soo Aadaya , iyadoo lagu wado in gaba gabada sanadka 2024 inuu dalka Soomaaliya ka baxayo Askariga ugu dambeeya ee ka tirsan howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.