Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal

0
565

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee ( AFRCOM) ayaa maanta ku wareejiyay gaadiid dagaal oo noocyo kala duwan ah Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabad kooban oo gaadiidkaas uu kula wareegayay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka & Taliska AFRICOM.
Ciidanka kumandooska DANAB Ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay gaadidka dagaal si loo xoojiyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkaan ay kusoo wareejiyeen, isaga oo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ay ugu Shaqeyn doonaan.
Saraakiil ka socotay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika o loo yaqaan ( AFRCOM dhankooda waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo Gobolada dalkaasi ka wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.