Taliska Booliska G/Banaadir oo ku dhawaaqay inay xiri doonaan siyaasigii hub waaweyn ku dhex qaata Muqdisho

0
328

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhaqangelinayaan amarkii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.
Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in weli siyaasiyiinta iyo mas’uuliyinta dowladda aysan u hoggaansamin amarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan hub lagu dhex qaadan Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu intaasi ku daray in weli si caadi ah Magaalada Muqdisho loogu dhex wato Qoryihii waaweynaa ee Gawaarida ku xirnaa iyo kuwo kale, balse, iyaga ay fulin doonaan amarkii Madaxweynaha.
Ugu dambeyn, taliyaha ayaa cid kasta oo hub waaweyn ku dhex qaadatada Magaalada Muqdisho saraakiisha iyo siyaasiyiinta wata ay tallaabi ka qaadi doonaan soona xiri doonaan lana maxkamadeyn doono.
Hadalkan ka soo yeeray taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli weli uusan dhaqangelin amarkii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.